Allbanaadir.com
NEWS

Dal kuyaala Aasiya oo xayiraad dhinaca Socdaalka kusoo rogay Dalal Soomaaliya ku jirto

Dowlada Kuuriyada Koonfureed ayaa xayiraad dhinaca socdaalka ah kusoo rogtay dhoor dal ay ku jirto Soomaaliya, waxaana wadamadan la sheegay in ay ka jiraan colaado iyo sidoo kale xasilooni daro ay abuureen kooxo argagaxiso ah.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Kuuriya Koonfureed ayaa lagu sheegay in ay kordhisay Xayiraadii dhanka Socdaalka ee la saaray Muwaadiniinta dalalka Soomaliya, Syria, Yemen, Iraq, Afganistan iyo Gobalka Koonfureed ee dalka Filibiin.

Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in yiraaddaasi loo soo rogay sababo la xiriirta Colaadaha, Khataraha Weerarada waxa loogu yeeray Argagixisaddaiyo Deganaansho la’aanta Siyaasadeed ee ka jirta dalalka xayiraada lagu soo rogay.

Xayiraada Kuuriyada Koonfureed kusoo rogtay dalalkan ee Soomaaliya ku jirta ayaa dhaqan geli doonta kowda bisha soo socota ee Augusto, waxa ayna socon doontaa   ilaa bisha January 31-da ee sanadka soo socda ee 2022-ka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo: Farmaajo oo qorshe cusub iyo gorgortan la tagay Dhuusamareeb & Warar kale

Caydiid Ali

Duqa Muqdisho oo caawa la xisaabtamay maamulada afar degmo ammarana siiyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidamada Dowladda oo dilay Xubno katirsan Al Shabaab soona bandhigay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---