Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Axmed Madoobe oo la kulmay Xubnaha Guddiga doorashooyinka ku matalaya Jubbaland (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa caawa qasriga uu ka degan yahay magaalada Kismaayo kulan kula qaatay Guddiga Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland.

Axmed Madoobe ayaana xubnaha guddiga doorashooyinka uu caawa la kulmay  ku booriyay in ay howsha doorashada loo xil saaray u maamulaan si hufan oo caddaalad iyo daahfurnaan leh.

Waxa uuna u sheegay Axmed Madoobe guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Jubbaland in laga doonayo in ay ku shaqeeyaan si daacadnimo ku jirto kana fogaadaan wax kasta oo keeni kara cadaalad daro iyo musuq maasuq.

Guddiga doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa isku diyaarinaya qabashada doorashada xildhibaanada labada aqal ee Baarlamanaka federaal oo lagu wado in dhawaan ka dhacaan magaalooyin dalka kuyaala.

Related posts

Dalalka Afrika ee dhinaca Milatariga ugu awoodda badan oo la shaaciyay iyo Soomaaliya oo ka sara martay …

Cabdi Cade

Ciidamo huwan ah oo Howlgal ka fuliyay Dhul howd ah oo Al Shabaab ku sugnaayeen (Sawirro)

Cabdi Cade

Bishaaradii Mucjisada aheyd ee ALLE ugu deeqay Nebi Sakariye CS

admin
Taboola Ads ---