Khilaaf xooga ayaa soo kala dhax galay xubnaha guddiga doorashada gobolada Waqooyi , khilaafkan ayaana sababay in xubnaha guddigan siyaabo kala duwan u doortaan labo gudoon oo iska soo horjeeda.
Wasiirkii hore ee Warfaafinta ee Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ku eedeeyay khilaafka iyo kala jabka guddiga doorashooyinka Somaliland in uu masuul ka yahay Maxamed Xasan Cirro gudoomiyaha guddiga doorashada heer federaal.
Maareeye ayaa sheegay in Gudoomiye Maxamed Xasan Cirro u dhaqmay si masuuliyad daro ah uuna abuuray khilaaf iyo kala jab, waxa uuna sheegay in khilaafka hada taagay masuul ka yahay Gudoomiye Cirro.
“Waxaan dooneynaa in guddoomiyaha u dhaqmay si mas’uuliyad darro ah oo aan kalsooni lagu qabi karin , waxaan Ra’iisul Wasaaraha ka codsaneynaa in arrintaa uu soo dhexgalo, mas’uuliyddaa horena waxaa qaadayaa oo kala jabkaa keenay guddoomiye Cirro”ayuu yiri Maareeye.
Xildhibaan Maxamed Cabdi Maareeye oo kamid ah siyaasiyiinta la safan gudoomiyaha Aqalka sare ayaa ugu baaqay Ra’isul Wasaare Rooble in uu qaado talaabooyin xal loogu raadinayo kala jabka iyo khilaafka hareeyay guddiga doorashada gobolada Waqooyi.
Guddiga doorashada gobolada Waqooyi ay soo kala magacaabeen Gudoomiyaha aqalka sare iyo Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya ayaa labo garab u kala jabay kuwaa oo sidoo kale gudoono kala duwan sameestay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com