Munaasabad lagu Daahfurayey laguna Shaacinayey Ururka Xiriirka Jaamacadaha Soomaaliyeed SOMALI UNIVERSIES NETWORK waxaana Munaasabadaas ka qayb galey Xildhibaano, Wasiiro, Masuuliyiin ka tirsan Xafiiska Raiisul Wasaaraha gaar ahaan qaybta Waxbarashada Madaxda Jaamacadaha, Bulshadda Rayidka, Macalimiinta iyo matti sharaf kale
Gudoomiye ku xigeen Ururka xiriirka Jaamacadaha Cabdinuur Maamed Yuusuf oo ka hadley Munaasabadaas ayaa sheegey in u jeedka loo aas aasey ururka ay tahay in laga baxo Marxaladii aasaasiga ahayd loona gudbo maxaladda Horumarinta Waxbarashada Sare
Xaliimo Macalin Salaad oo ah Madaxa Maaliyada Ururka Jaamacadaha SUN oo ka hadashey Munaasabadaas ayaa sheegtey in in ururka uu doonayo in uu tiigsado Waxbarasho la jaan qaadi kara Waxbarashada Aduunka
Waxaa kaloo ka hadley Xafladaas Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Ururka Xiriirka Jaamacadaha Prof: Xuseen Tooxow Faarax wuxuuna sheegey in ujeedka loo sameeyey ururka Jaamacadaha ay tahay in la helo waqti mideysan oo ku saabsan xiliga la xirayo Jaamacadaha iyo Waqtiga la furayo sidoo kale sheegey in ururka uu qayb ka qaadan doono Tababarka Macalimiin iyo ardryda
Waxaa Munaasabadaas ka hadle Prof Coowseey oo ka socdey Jaamacadda Puntland University OF Science and Technology PUST. wuxuu sheegey in Jaamacadiisa ay soo dhaweyneyso Ururka SUN isagoo halkaa ka balan qaadey in ururka uu gaarsiin doono Jaamacadaha Puntland si ay uga mid noqdaan ururka
Cabdiraxmaan Macalin Cilmi Kobac oo ah Gudoomiye Ku xigeenka Salaam Bank Foundation ayaa sheegey in Ururkaan uu soo dhaweynayo isagoo u soo jeediyey in Jaamacadaha xooga saaran Sare u qaadida Tateynta Waxbarashada dalka
Xildhibaan Cali Cismaan ( Cali Jowhar) oo ka hadley Xafladda Mahadcelin ka dib waxaa uu sheegey in Baarlamaanka Soomaaliya uu soo dhaweynayo Ururka Xiriirka Jaamacadaha Soomaaliueed isagoo sheegey ururada noocaan ah uu qayb ka qaadanayo Horumarinta Waxbarashada Dalka
Maryan Aadan Amiin Madaxa Waxbarashada Xafiiska Raiisul Wasaaraha oo ka hadashey Xafladda ayaa u soo jeedisey Ururka in ay dhinac waliba ka Midoobey sidoo kale waxay ugu baaqdey Jaamacadaha in ay Caawiyaan Ardeyda Waalidiintooda aan awoodin in ay iska bixiyaan
Kharashka Jaamacadaha
Faarax Axmed Cumar ( Admiral Faarax Qare oo ah Gudoomiyaha Hayadda Cilmi Baarista Badaha Soomaaliyeed ayaa sheegey in uu soo dhaweynayo Ururkaan sidoo kale wuxuu sheegey in Cilmiga uusan ahayn Shahaado ee waa Akhrishasho iyo ka shaqeyn
Xirsi Dhuux oo ah Gudoomiyaha Golaha Abwaanada oo isna ka hadley Xafladda ayaa u mahadceliyey intii ka soo shaqeysay Taabo gelinta Ururkaan isagoo halkaa ka balan qaadey in Golaha abwaanada uu la shaqeyn doono ururka
Aadan Odowaa Colow Ku simaha Gudoomiyaha Gudiga Farsamada Ururka SUN ayaa sheegey in muddo ah laga shaqeynayey taaba gelin ururka ujeedkuna uu yahay in la helo ardey dhinac waliba ka dhisan Waxbarashada isagoo sheegey in Ururkaan uu soo dhaweynayo Jaamacad kasta oo dooneyso in ay ku soo biirto Ururkaan
Xildhibaan Shiikh Cabdisataar Shiikh Cabdisalaan Xasan Barsane oo ka hadley Xafladda waxaa uu aad ugu dheeraadey Taariikhdii Waxbarashada Soomaaliya isagoo sheegey in Baarlamaan ahaan ay la shaqeyn doonaan Ururkaan
Xasan Khaliif Xasan oo ah Gudoomiye ku xigeen Gudiga La dagaalanka Musuqmaasuqa oo ka hadley Munaasabada ayaa Jaamacadaha kula dardaarmey in Xooga saaraan Akhirska iyo Qoraal qofka wax baranaya waayo ardey aan ka dhisneyn labadaan meel ma gaari karo horumar
Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo isna ka hadley Munaasabada ayaa bogaadiyey Ururka Xiriirka Jaamacadaha SUN waxaa kale uu sheegey in wax kasta oo midow lagu dhiso ay gaari karaan Horumar sidoo kale wuxuu kula dardaarmey Jaamacadaha in ka shaqeeyaan sidii dalkaan u heli lahaa Waxbarasho la heer ah Wadamada horey marey
Xildhibaan Xuseen Cabdi Cilmi Mahadcelin ka dib waxaa uu sheegey in Jaamacadaha Maanta garteen Faaiidada ay leedahay wuxuu ugu yeerey Midowga wuxuu kaloo uu sheegey in Dowlad ahaan ay garab istaagi doonaan ururkaan maadaama uu waxbarasho ka shaqeynayo
Prof Ibraahim Shiikh Cabdulaahi Xuseen oo ah gudoomiyaha Ururka Xiriirka Jaamacadaha Soomaaliyeed oo ka hadley Munaasabadaas Gunaanadkeeda ayaa ku dheeraadey Sababihii loo aas aasey Ururka wuxuuna sheegey in ururka uu ka qayb qaadan doono sii tayeynta Waxbarashada dalka isagoo ugu baaqey Bulshada Soomaiyeed in la shaqeeyaan Ururka SUN.