Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Jabuuti oo Hantiilayaasha u soo bandhigtay Saami shirkadeyd oo iibineyso

Dowlada Jabuuti ayaa soo bandhigtay saami ay ka iibineyso shirkada Isgaarsiinta ee dalkaasi Jabuuti Telcom, waxaana saamigan fursad loo siiyay in ay iibsadaan maalgashadayaasha hantida badan heesta iyo shirkadaha.

Shir ay yeesheen golaha wasiirada ee Jabuuti oo uu shir guddoominayay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa lagu go’aamiyay in dowlada saami yar ka iibiso shirkada isgaarsiinta ee Jabuuti.

War saxaafadeed kasoo baxay Xukuumada Jabuuti ayaana lagu shaaciyay in dowlada iibineyso qeyb ka mid ah saamiga shirkada Jabuuti Telcom, waxaana fursadan oo loo soo bandhigay maalgashadayaasha lagu kalsoonyahay iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay.

Dowlada Jabuuti ayaa sheegtay in meelmarinta xeerkan ay xukuumaddu u adeegsan doonto talada iyo aqoonta shirkado iyo khubaro calami ah, kuwaasi oo gacan ka gaysan doona sidii loo hirgalin lahaa qorshahan.

Qorshahan dowlada Jabuuti ee ku iibineyso saami kamid ah shirkada Jabuuti telcom ayaa lagu tilmaamay uu qayb ka yahay horumarinta dhaqaalaha, kaas oo la rabo inuu la jaanqaado dhaqaalaha casriga ah ee ku salaysan Internet-ka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir Fiqi oo Fiisaha Schengen ku abaalmarinaya Xildhibaanno badan !

Cabdi Cade

Xiisad ka taagan magaalada Khartoum, ciidamo gadooday iyo rasaas la maqlayo

Caydiid Ali

Xukun dil ah oo saakay goob fagaare ah lagula fuliyay Cabdiqaadir Faarax dhaqane

Cabdi Cade
Taboola Ads ---