Allbanaadir.com
NEWS

Rooble oo bilaabay dadaalo xal loogu raadinayo Khilaafka u dhaxeeya Guddiga Doorashada ….

Waxaa soo baxay khilaaf xoogan oo u dhaxeeya guddiga doorashada gobolada Waqooyi ee Somaliland, kadib markii guddigaasi labo garab u kala jabeen ayna siyaabo kala duwan u kala doorteen guddon.

Khilaafkan ayaa durba saameyn xoogan ku yeeshay howlaha shaqo ee guddiga doorashada, waxaana labadan garab ee u kala jabeen guddiga doorashada gobolada Waqooyi kala hogaaminaya Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo shalay kusoo laabtay magaalada Muqsdisho ayaa durba bilaabay dadaalo xal loogu raadinayo khilaafkan soo banaan baxay si aysan shaqada guddiga doorashada saameyn ugu yeelan.

Sida aan wararka ku helnay Rooble ayaa la kulmay Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahadi Guuleed waxa uuna kala hadlay khilaafkan ka dhax taagan guddiga doorashada Somaliland iyo sida xal looga gaari karo.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa sidoo kale xiriir la sameeyay Gudoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxa uuna isna kala hadlay khilaafkan cusub iyo caqabadaha ka dhalan kara.

Gudoonka Guddiga doorashada heer federaal ayaa sidoo kale wada dadaalo xal looga gaarayo khilaafka ka dhax jira guddiga doorashada gobolada Waqooyi ee Somaliland iyo sidii loo dhisi lahaa guddon raali la isaga yahay ee yeeshaan guddigaasi.

Guddiga doorashada gobolada Waqooyi waxaa soo kala magacaabay Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed iyo Gudoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, labada garab ayaana aragti ahaan ada u kala fog.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Soomaaliya oo loo doortay gudoonka Golaha Midowga Dhaqaalaha dalalka Carabta

Caydiid Ali

Kenya oo Shaacisay in ay dileen xubno katirsan Al Shabaab oo dalkooda soo galayay

Cabdi Cade

Madaxweyne caan ah oo ku soo wajahan Muqdisho iyo garoonka Aadan cadde oo loo xirayo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---