Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Cumar Filish oo amar & digniin siiyey Shirkadaha ka shaqeeya qeybinta Udxiyada

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa la kulmay Wasiirka Wasaarada Diinta & Awqaafta iyo Hey’addaha ka shaqeeya Qeybinta Udxiyadda, iyadoo ay nagu soo food leedahay Ciida munaasabada ciida Carafo.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa Hey’addaha ka shaqeeya qeybinta Udxiyada faray in xoolaha  lagu gowraco kawaanada xoolaha lagu qalo ee Magaalada Muqdisho,  isla markaana laga fogaado in xoolaha lagu gowraco xaafadaha Magaalada Dhaxdeeda ama goobo aan loo asteynin.

Cumar Filish ayaa sheegay in muhiim tahay ilalainta Nadaafada iyo caafimaadka guud ee bulshada, ayna talaabo adag ka qaadi doonaan cid kasta oo wax u dhimeysa.

Duqa Muqdisho ayaa kula dardaarmay in la ilaaliyo Bad-qabka Degaanka iyo Faya-dhowrka si Bilicda Magaalada loo ilaaliyo isla markaana Shacabka loo gaarsiiyo Udxiyada.

Amarkan ayaa ku soo beegmaya xili dunida Islaamka looga diyaar garoobayo Munaasabada ciidul-adxaa oo ay naga xigto qiyaastii 10 cisho, waxaana ciidan ay caan ku tahay xoolaha udxiyada ah ee la sadaqysto.

Sidoo kale, Amarkan ayaa yimid xili dunida Islaamka looga diyaar garoobayo Munaasabada ciidul-adxaa oo ay naga xigto qiyaastii 10 cisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Booqashadii Qarsoodiga aheyd ee Kim Jong Un ku tagay Shiinaha

Cabdi Cade

Wasiir Cismaan Dubbe “Kenya kama muuqato daris wanaag ee waxaa ka muuqda damaca dhulka iyo badda Soomaaliya !!

admin

Dowladda Soomaaliya ka qeyb gashay shir madaxeedka Ururka G-77 iyo China (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---