Qarax aad u xoogan oo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa goordhaw ka dhacay Inta u Dhaxeysa Isgoosyada Soobe iyo Banaadir.
Sida aan wararka ku helnay qaraxan ayaa ahaa mid loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, waxaana qaraxa lagu soo waramayaa in lala eegtay gaari uu la socday taliye katirsan ciidanka booliiska.
Rasaas xoogan ayaa la maqlay markii uu qaraxa dhacay kadib, waxaana wararku sheegayaan in rasaastaasi fureen ciidamo katirsan dowlada oo ku sugnaa aaga uu qaraxu ka dhacay.
Gaadiidka gurmadka deg dega ee Ampalaasta ayaa kusii qul qulaya aaga qaraxu ka dhacay, waxaa sidoo kale halkaasi gaaray ciidamada dowlada kuwaa oo xiray wadooyinka soo gala goobta uu qaraxu ka dhacay.
Waxii Warar ah ee kusoo kordha qaraxan kala soco wararkayaga Dambe Insha Allah
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com