Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Rooble oo Qado Sharaf loogu sameeyay Deegaanka Dalxiiska Caan ku ah (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Jubaland mudane Axmed Madoobe ayaa maanta deegaanka dalxiiseedka Goobweyn qado sharaf ugu sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble iyo wfdiga la socday.

Rooble iyo Wasiiradii la socday ayaa lagu soo dhaweeyay deegaanka Dalxiiska caanka ku ah Goobweyn ee kuyaala duleedka Kismaayo, waxa ayna Rooble iyo wafdigiisa halkaasi waqti kula qaateen Madaxda Jubbaland iyo dadka deegaanka.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa arbacadii magaalada Kismaayo u tagay dar dargalinta heshiiska doorashada iyo sidoo kale xal ka gaarista khilaafka ka dhashay gobolka Gedo.

Rooble iyo wefdiga la socda ayaana la filayaa in ay tagaan magaalada Galbahaarey ee caasimada gobolka Gedo ayna halkaasi kula kulmaan maamulka gobolka Gedo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wax badan ka Ogow Taariikhda iyo Wax-ku-oolnimada Hidde-sidaha DNA.

Cabdi Cade

Deni oo ku dhawaaqay go’aan culus oo ka dhan ah Shirkada DP World (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Deegaanka Gobsho (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---