Allbanaadir.com
NEWS

Akhriso: Saddex dal oo la shaaciyey iney Wadajir u marti gelin doonaan Koobka K/Cagta adduunka ee 2026

Koobka K/cagta adduunka ee 2026 ayaa waxaa lagu qaban doonaa waddamada Maraykanka, Canada iyo Mexico, ka dib markii ay ka guulaysteen isku daygii ay doonaysay Morocco inay ku marti galiso.

Cayaaraha 2026 ayaa noqon doona tartankii ugu weynaa ee koobka kubadda cagta adduunka ee abid la qabto, ayadoo 48 kooxood ay dheeli doonaan 80 cayaarood muddo ka badan 34 maalmood.

Canada, Mexico, Morocco, iyo Maraykanka ayaa laga reebay, ayadoo Ghana ay ka maqnayd, ka dib markii xukuumaddu ay sheegtay inay kala dirtay ururka K/cagta ee da;lkaas, maadaama ay soo baxeen eedeymo la xiriira musuqmaasuq ‘baahsan’.

3 ka mid ah dhulalka uu Maraykanku xukumo oo kala ah Guam, US Virgin Islands iyo Puerto Rico ayaa ka mid ahaa dalalka xubnaha ka ah FIFA ee aan codayn.

Canada waxay hore u martigalisay koobka K/cagta adduunka ee gabdhaha sannadkii 2015.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo ka hadlay xiisadaha ka taagan Magaalada Laascaanood

Caydiid Ali

Midowga Musharaxiinta Mucaaradka oo labo garab u kala jabay iyo Farmaajo oo…

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo booqday ciidamo loo diyaariyay dagaal ka dhan ah Al Shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---