Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Gudoomiye Cumar Filish oo eedeymo kulul u jeediyey mid ka mid ah Wasaaradaha DF

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud (Filish) ayaa ku eedeeyey Wasaaradda waxbarashada Xukuumada Soomaaliya iney carqalad ku noqotay howlaha Waxbarashada gobolka Banaadir.

Cumar Filish ayaa hadalkan ka jeediyey xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar oo uu kaga qeybgalay Munaasabad lagu soo bandhigayay Natiijada Imtixaanka Shahaadiga Fasalka 8-aad Dugsiyada Gobolka Banaadir ee sanad dugsiyeedka 2020-2021.

Waxaa uu sheegay in Wasaaradda waxbarashada ay lugaha hayso heshiiskii ay horey ugala wareegeen Maamulka waxbarashada gobolka Banaadir, taasoo uu xusay ineysan weli sababteeda ogeyn.

“Ficil ahaan weli ma dhameystirna wareejintaas, wax badan ayaa ka qabyo ah waxaan filaynaa in waxaas oo dhan ay dhamaan doonaan, si ubadkeena waxbarasho fiican u helaan” ayuu yiri Gudoomiyaha oo aan faahfaahin ka bixinin caqabada ay ku heyso Wasaarada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho ayaa Hambalyo iyo Boogaadin u diray dhamaan ardeydii u fadhiisatay Imtixaanka Shahaadiga Fasalka 8-aad ee Sanad Dugsiyeedka 2020-2021, isagoo ardeyda gudubtay iyo kuwa Hartayba ku Amaanay dadaalka ay muujiyeen. Waxa uuna kula dar-daarmay in lagu dadaalo Waxbarashada si Bulshada u noqdaan kuwo aqoon leh oo jahliga la dagaalama.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dhacdo naxdin leh: Lamaane geeriyooday daqiiqado ka dib arooskooda (Sawirro)

Caydiid Ali

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Safiirrada Caalamka u fadhiya Soomaaliya (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo Amray in sida Al Shabaab loola dagaalamo Ciyaalka Weerada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---