Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho uu ugu kuur-geliyey baahiyaha ciidanka ku tagey taliska qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga ayaa ku boggaadiyey difaaca dalka iyo howlgalada ay ku beegsanayaan Al-Shabaab
Taliska Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ee ka howlgasha deegaannada Jubaland, fadhigooduna yahay magaalada Kismaayo ayaa Ra’iisul Wasaaraha warbixin ka siiyey daadaallada ay kaga xoreynayaan deegaannada Jubaland wax loogu yeeray argagixisada iyo baahiyaha ay rabaan in wax lagala qabto.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ammaanay guulaha ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab Isagoo balan qaaday in xukuumaddiisu ay mudnaan gaar ah siin doonto wax ka qabashada baahiyaha taliska qeybta 43-aad, iyo guud ahaan ciidanka qalabka sida.
“Waxaan maanta booqday Taliska qeybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka. Geesiyaasha CXD way ku mahadsan yihiin sida naf-hurnimada leh ee ay ugu heelan yihiin difaaca dalka iyo dadka. Waxaa naga go’an inaan ka jawaabno baahiyaha ciidankeenna ee agab, tababar iyo taageero walba ee ay u baahan yihiin”. ayuu yiri Rooble
Kormeerka Ra’iisul Wasaaraha waxaa ku weheliyey Madaxweynaha Dowlad-goleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Wasiirro, Xildhibaann iyo madax heer federaal iyo dowlad-goboleed ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com