Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Puntland oo jawaab kulul ka bixisay hadalkii ka soo yeeray Wasiir Jamaal

Puntland ayaa ka jawaabtay hadalkii uu maanta Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Somalia Jamaal Max’ed Xassan ku weeraray Madaxweynaha Puntland.

Jamaal Max’ed Xassan ayaa ku eedeeyey Saciid Deni inuu dib u dhigayo murashaxnimadiisa, isla markaana uu doonayo inuu saameyn ku yeesho doorashooyinka xubnaha kuraasta Puntland.

Wasiir Jamaal ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Puntland inuu faraha kala baxo guddiyada doorashooyinka haddii uu doonayo inuu dalka madax ka noqdana uu ku dhawaaqo musharaxnimadiisa.

Hase ahaatee Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Dabarani oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa hadalka Wasiir Jamaal ku sifeeyey inuusan waxba ka duwaneyn kuwii hore ugu adeegsan jiray hurinta Colaado iyo isku dhacyo ka dhaca Puntland, sida uu yiri.

Afhayeenka ayaa carabka ku adkeeyey iney tahay nasiib daro in maamul gaamurey laga bixiyo sawir qaldan.

“Puntland waa dowlad jirta 23-sanno, horey waxaa uga dhacay doorashooyin heer Puntland iyo heer Federaal ah, oo qeybtood hal cod lagu kala adkaaday. 23 sano biseyl iyo qaangaarnimo ka muuqato Puntland, waa nasiib-daro inaad isku daydo inaad sawir xun ka bixiso Puntland iyo dadkeeda, Taariikhda ayaa is qoreysa” ayuu yiri Jaamac Dabaraani.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xasan Sheekh ” Dowlad gacan adag dadka ku qabata waxa maanta jira ayaan ka dhaxalnay”

Cabdi Cade

Al Shabaab oo weerar ka geesatay gudaha Kenya iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

(Sawirro) Xamse Barre oo shaaciyey in DF dhowaan ka gudbeyso afar caqabadood

Caydiid Ali
Taboola Ads ---