Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Burcad telfoonka ka dafay askari shaqo ku jiray iyo Hadal heyn ka dhalatay !!

Warbaahinta dalka Kenya iyo baraha bulshada ayaa si weyn looga hadal hayaa burcad dhac u geesatay askari katirsan ciidanka booliiska dalka Kenya gaar ahaan ciidamada ilaalada wadooyinka ee Taraafiko.

Koox burcad ah oo saarnaa mooto ayaa moobeelka gacanta ka dafay askari katirsan ciidamada ilaalada wadooyinka xili uu shaqo ku jiray, askariga ayaana xiliga laga dafayay moobeelka qof kula hadlayay.

Muuqaal ay duubtay kaamirada qarsoon ee CCTV ayaa laga dhax arkayay sadex nin oo saarnaa mooto oo moobeelka ka defaya askarigan katirsan taraafikada oo xiligaasi laamiga dhaxdiisa ku hadlayay.

Baraha bulshada oo lagu baahiyay muuqaalkan dhaca loogu geestay askariga ayaana hadal heyn badan ka abuurtay gudaha dalka Kenya, waxa ayna dadka layaab iyo fajiciso ku tilmaameen in askartii xitaa dhibano u noqdeen kooxaha burcada.

Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya waxaa mudooyinkan dambe kusoo kordhay dhaca dadka wadooyinka loogu geestay iyo afduub, waxa ayna dowlada sheegtay in magaalada laga howlgalin doono ciidamo dheeraad ah oo amaanka suga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Diin Diin si weyn looga baadi Goobayo Muqdisho iyo Gobolada Qaar iyo Lacag badan oo ..

admin

Khasaaro Dhimasho oo ka dhashay daadad xoogan oo xalay ku rogmaday magaalada Qardho

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Al Shabaab oo soo bandhigtay Gaadiid Dagaal iyo Hub ay ku qabsadeen Dagaalkii Balad Xaawo

admin
Taboola Ads ---