Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya hada ah Musaharax u taagan xilka Madaxweynaha Xasan Cali Kheyre ayaa maanta xaruntiisa ololaha kula kulmay Gudoomiyaha guddiga doorashada heer federaal iyo xubno kale oo guddigaasi katirsan.
Kheyre ayaa xubnahan katirsan guddiga doorashada uu la kulmay kala hadlay  qaabka ugu haboon ee Guddiyada Doorashooyinku ay uga shaqeyn karaan doorasho madax-banaan, hufan oo loo maray hannaan iyo habraac daah-furan oo caddaalad ku dhisan.
Guddiga doorashada heer federaal ayaana u balan qaaday Musharax Kheyre in ay ku shaqeyn doonaan cadaalad iyo dhax dhaxaadnimo waxa ay sidoo kale balan qaadeen qabashada doorasho ka madax bannaan eex iyo qof jecleysi.
”Waxaan Guddoomiyaha iyo xubnaha guddiga ee ku wehliyay kulanka ka wada hadalnay qaabka ugu haboon ee Guddiyada Doorashooyinku ay uga shaqeyn karaan doorasho madax-banaan, hufan oo loo maray hannaan iyo habraac daah-furan oo caddaalad iyo dhex-dhexaadnimo ku dhisan,Waxaan aad usoo dhowaynayaa ballan qaadka Guddoomiyaha iyo xubnaha guddiga oo ii caddeeyay in ay ka dheeraan doonaan wax kasta oo shaki galin kara natiijada doorashada, kana qaban doonaan dalka doorasho ka madax bannaan eex iyo qof jecleysi.” ayuu yiri Kheyre.
![](https://i0.wp.com/www.allbanaadir.org/wp-content/uploads/2021/07/kheyre-1-1024x683.jpg?resize=696%2C464&ssl=1)
![](https://i0.wp.com/www.allbanaadir.org/wp-content/uploads/2021/07/kheyre-2-1024x683.jpg?resize=696%2C464&ssl=1)
![](https://i0.wp.com/www.allbanaadir.org/wp-content/uploads/2021/07/kheyre-3-1024x683.jpg?resize=696%2C464&ssl=1)
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com