Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Ra’isul Wasaare Rooble oo u duulay Kismaayo iyo Ujeedka Socdaalkiisa oo la shaaciyay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa u ambabaxay magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee Dowlad-goboleedka Jubaland.
Ra’iisul Wasaaraha oo hoggaaminaya wafdi ballaaran ayaa inta uu joogo Jubaland waxa uu kulammo la yeelan doonaa madaxda, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Jubaland oo uu kala hadli doono arrimaha hirgelinta doorashooyinka, dib u heshiisiinta, nabadgelyada iyo horumarinta, isagoo u kuurgali doona xaaladda guud ahaan Jubaland.
 
Inta uu joogo Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu dhagax dhigi doonaa mashaariic horumarineed oo dowladdu ka higelineyso Jubaland.
 
Waa socdaalkii ugu horreeyay ee Ra’iisul Wasaare Rooble ku tago Jubaland.
Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale daarran dhammeystirka dib heshiisiinta Gedo iyo si guud howlaha doorashooyinka oo uu hormuud ka yahay Ra’iisul Wasaaruhu.

.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Biixi oo xariga ka jaray Mashruuc ay ku baxday 20 Milyan oo dollar (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne kuxigeen Caan ah oo xabsiga la dhigay iyo Dambiga loo heesto oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Sawirro laga soo qaaday Xerun kutaala Mareykanka oo hadal heyn badan dhalisay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---