Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta kala wareegay Gaadiid Gaashaaman Taliska Mareykanka ee Qaarada Afrika AFRCOM).
Gaadiidkan lagu wareejiyay Taliska Ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa loogu talagalay inay ku howlgalaan Ciidanka Kumandooska ee Danab oo uu horey u tababaray Maraykanka. dagaalna kula jira xoogaga Al-Shabaab.
Jen. Odawaa Yuusuf Raage ayaa uga mahad celiyay Taliska Mareykanka ee AFRICOM Gaadiidkaan ay ku wareejiyeen, isagoo sheegay in Ciidamada DANAB sidii loogu talo galay ay ugu shaqeyn doonaan.
Saraakiisha Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa iyana sheegay inay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, si ay u sii xoojiyaan dagaalka Al-Shabaab ay kula jiraan.
Maraykanka ayaa bilowgii Sanadkan ciidamadii kala baxay Somalia, kuwaasoo gaarayey 1000 askari oo tababaro iyo taakuleynba siinayey ciidanka xoogga dalka, waxaana Somalia ku haray illaa 100 askari oo loogu talo galay ilaalinta amnia safaarada Maraykanka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com