Madaxweynaha Dowlad goboleedka Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo booqasho ku jooga dalka Nageria ayaa heshiis la saxiixday dhigiisa maamulka Kaduuna ee Nigeria Maalam Naasir Ahmed .
Madaxda labadan dowlad Goboleed ayaa kala Saxiixday heshiis is afgarad oo ku saabsan,Wadashaqayn,Iskaashi iyo Mataaneyn Labada Dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed iyo Kaduuna.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa booqasho ku tagay dalka Nageria kadib markii casuumad rasmi ah uu ka helay Dhigiisa maamulka Kaduuna ee dalka Nageria.