Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo sheegatay masuuliyada dilal maanta ka dhacay Muqdisho

Dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa maanta dilal qorsheesan ka geestay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, waxaana dilalkan loo geestay askar katirsan ciidanka canshuuraha qaado ee loo yaqaan Minishiibiyada.

Warbaahinta Al Shabaab ayaa baahisay in dabley hubeesan saakay isgooska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ku dileen sargaal katirsanaa ciidanka minishiibiyada iyagoona dilka kadib ka qaatay qoray uu watay.

Weerar kale oo Al Shabaab sheegeen in ay ka fuliyeen degmada Dayniile gaar ahaan xaafada Sii Sii ayey dilay askari katirsanaa ciidanka minishiibiyada iyaga oo sidoo kale horey uga sii qaatay qoraygii uu watay .

Dilalka qorsheesan ayaana maalmahan kusoo badanaya qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, mana jiro ilaa hada wax war ah oo laamaha amaanka kasoo saareen dilalkan maanta ka dhacay Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faahfaahin: Qarax xooggan oo ka dhacay Muqdisho & Khasaare ka dhashay (Sawirro)

Caydiid Ali

Beesha Caalamka oo War cusub ka soo saartay doorahooyinka Somalia (Akhriso)

Caydiid Ali

UNICEF: “Gaza waa meesha ugu halista badan Adduunka ee Ilmo uu ku noolaado”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---