Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Maxaa ka jira in Madaxweyne Deni uu iibsaday Hoteelka Sarova Stanley ee Nairobi

Waxaa saacadaihii lasoo dhaafay la baahinayay war ku aadan in Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu iibsaday Hoteelka caanka ah ee Sarova Stanley ee kuyaala magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Warbaahinta dalka Kenya qaarkood ayaana qoray warkan ku saabsan Madaxweynaha Puntland Siciid Deni in uu iibsaday Hotelka Huteelka Sarova Stanley, waxaana warkan uu noqday mid hadal heyn badan ka abuuray gudaha Kenya.

Qoraal kasoo baxay maamulka hotelka  Sarova Stanley, ayaa lagu beeniyay warkan sheegaya in hoteelkoodu iibsaday Madaxweyne Deni, waxa ayna warkaasi ku tilmaameen mid been abuur ah.

”Shacabka waxaana uga digeynaa qoraalka lagu faafiyay Warbaahinta iyo baraha bulshada oo ku saabsan in hudheelkeena Nairobi ee Sarova Stanley la iibiyay ” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Maamulka Hotelka Sarova.

Warkan ku saabsan in hotelka Sarova Stanley iibsaday Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa imaanaya xili Madaxweynaha uu joogo magaalada Nairobi uuna halkaasi ka wado kulamo siyaasadeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Dab qabsaday dhismaha caanka ah ee Kamala Mills oo dad badan laayey

Caydiid Ali

Milatariga Soomaaliya oo soo bandhigay Xubin katirsanaa Jabhada Al Shabaab oo….

Cabdi Cade

Talaabooyin lagu xoojinayo amniga Magaalada Muqdisho (Shaki laga qabo Wali Farmaajo)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---