Allbanaadir.com
NEWS

Midowga Musharaxiinta oo ku baaqay in aan xil dambe lagu aaminin Farmaajo

War saxaafadeed kasoo baxay golaha midowga musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa looga hadlay dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea kuwaa oon wax war ah laga heyn xaalada ay ku sugan yihiin.

Midowga musharixiinta ayaana walaac xoogan ka muujiyay dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku maqan dalka Ereteriya, kuwaas oo la sheegay inay ka qeyb galeen dagaalkii ka dhacay Gobolka Tigreega ee dalka Itoobiya.

Qoraalka kasoo baxay midowga musharaxiinta ayey ku dalbadeen in Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Farmaajo aan mar kale lagu aaminin xil dowladeed xili uu mar kale u tartamayo Farmaajo xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Halkan ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Musharaxiinta

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Farmaajo:”Shacabka qasab laguma hogaamin karo iyadoo federal marmarsiiyo laga dhiganayo”

Caydiid Ali

Saddex dowlad goboleed & G/Banaadir oo War wadajir ah ka soo saaray Muddo kororsiga

Caydiid Ali

Golaha Wasiirada oo ansixiyay hab-raaca Hoggaanka hubka ee Ciidanka XDS (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---