Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ra’isul Wasaare Abiy Axmed oo shaaciyay in hal milyan oo Dagaalyahano ah uu qoran karo

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo la hadlay Baarlamaanka federaalka ee dalkaasi ayaa sheegay in dowladiisa awoodo in mudo yar gudahood ay ku qorato hal milyan oo dagaalyahano ah oo dagaalama .

Waxa uu sheegay in ujeedkoodu hada yahay in ay aamusaan oo ka shaqeeyaan xasiloonida gobolka colaada halakeesay ee Tigrey,  waxa uuna ka bixitaanka ciidanka federaalka caasimada Tigrey ku tilmaamay mid xeelad ah.

“Hal, laba ama saddex toddobaad gudahood, 100,000 oo ciidamo gaar ah, tababaran, islamarkaana abaabulan ayaa la isku keeni karaa,haddii la yiraahdo ciidamada gaarka ah kuma filna, haddii maleeshiyo loo baahdo, bil ama laba bil gudahood waxaa lagu abaabuli karaa hal milyan oo maleeshiyo.” ayuu u sheegay Abiy Baarlamaanka Itoobiya.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in saraakiisha ciidamada iyo dowladaba go’aansadeen in la helo muddo aamusnaan ah, si qof walba u fakaro isbadalna loo abuuro.

Jabhada TPLF ayaa bilooyin kadib dib ula wareegtay magaalada Makelle ee caasimada gobolka Tigrey, waxa ayna kooxdaasi qabashada magaaladaasi ku tilmaameen guul milatari ah iyagoona shuruud ku xiray xabad joojin dowlada federaalka ku dhawaaqday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
 

Related posts

Maamulkii Magaalada Baydhabo xilka laga qaaday iyo Mid cusub oo lagu bedelay (Akhriso)

Caydiid Ali

General Mohamed Hamdan Daglo oo Booqasho lama filaan ah ku tagay Itoobiya

Cabdi Cade

Kenya ayaa shaacisay xiliga ay dib u fureyso xadka Somalia oo xirnaa muddo 12 sano ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---