Ciidamada booliiska gobolka Banaadir ayaa howlgal ay ka sameeyeen degmada Kaaraan waxa ay kusoo qabteen burcad hubeesan oo dhac iyo dhibaatooyin kalaba u geesanayay shacabka kunool degmadaasi.
Burcadan ayaa watay qoryaha AK47 , waxa ayna dhac u geesanayeen xiligii la qabanayay dad shacab ah oo ku sugnaa xaafada Jamhuuriya iyo xaafado kale oo katirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.
Maamulka degmada Kaaraan ayaa sheegay in ay sii wadayaan howlgalada ay ku bartilmaameedsanayaan kooxaha burcada hubeesan ee mudooyinkan kusoo batay xaafadaha degmada Kaaraan.
Burcada hubeesan ee dhaca iyo dhibaatooyinka kale u geesanaya dadka shacabka ah ayaa mudooyinkan kusoo kordhay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Kaaraan oo noqotay degmada ugu daran ee burcada dhaca ka geestaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.comÂ