Muwaadin Soomaaliyeed oo mudo sadex maalin ah nolol iyo geeri lagu la’aa ayaa ugu dambeyn meydkiisa shalay laga helay Magaalada Brits ee Gobalka North West ee dalka Koonfur Afrika.
Booliiska dalka Koonfur Afrika ayaa xaqiijiyay in meydka Cabdullaahi Bootaan Saruurow laga helay duleedka magaalada Brits , waxaana jirka wiilkan Soomaaliyeed ee meydkiisa la helay ka muuqday rasaas loo adeegsaday dilkiisa.
Wali lama oga cida ka dambeesay dilka muwaadin Soomaaliyeed ee kunoolaa dalka Koonfur Afrika, waxaana wiilkan goobta lagu dilay loogu tagay gaari nuuca adeega lagu qaado uu watay.
Soomaalida kunool dalka Koonfur Afrika gaar ahaan Gobalka North West ayaa si weyn uga naxay dilka muwaadinkan Soomaaliyeed loo geestay, waxaana Soomaalida lasoo darsay cabsi ay ka qabaan in sida muwaadinkan oo kale loo beegsado.
Dalka Koonfur Afrika ayaa noqday meel si joogto ah loogu dilo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi nolosha u raadsaday, waxaana sanadihii ugu dambeeyay dalkaasi lagu dilay boqolaal Soomaali ah oo u badnaa dhalinyaro.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com