Allbanaadir.com
NEWS

Imaaraadka oo ku hanjabay in uu Weerarayo magaalada dekadda leh ee Xudeydah

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa ku hanjabtay in ay weerar xoogan ku qaadi doonto magaalada dekadda leh Xudeydah ee dalka Yaman hadii aysan si deg deg ah uga bixin magaaladaasi kooxaha Xuutiyiinta oo hada maamula.

Imaaraadka ayaa Waqti kama dambeys ah u qabtay kooxda Xuutiyiinta in ciidankooda kala baxaan magaalada Xudeydah, waxa ayna Dowlada Imaaraadka sheegtay hadii xal kale la waayo in awood adeegsan doonaan.

Wasiiru Dowlaha arrimaha dibadda dowlada Imaaraadka, Anwar Gargash, ayaa sheegay in dulqaadka ka dhamaaday Xulufada  ay hogaamiyaan Sacuudiga iyo Imaaraadka, kuna qasbayaan Xuutiyiinta in ay ka baxaan magaalada Xudeydah.

Xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa horey mudo 48-saacadood ah ugu qabtay Kooxda Xuutiyiinta ah in ciidankooda kala baxaan magaalada Muhiimka ah ee Xudeydah , hasa ahaatee Xuutiyiinta ayaa wali dhagaha ka fureesanaya dalabyada Xulufada.

Dekadda magaalada Xudeydah ayaa hada ah halka ay ka degaan gargaarka Bini’aadanimo ee la gaarsiiyo dalka Yaman, waxaana Qaramada Midoobay sheegtay in halis galeyso nolosha   250,000 kun oo qof hadii Isbaheysiga weeraraan magaaladan Dekadda leh.

Dowladda Britain ayaa sidoo kale sheegtay in ay isku dayi doonto in ay ku qanciso xulufadada uu Sacuudiga hogaamiyo in aysan weerarin magaalada dekadda leh ee Xudeydah, waxa ayna Britain tilmaamay in weerarka magaaladaasi dhibaato badan laga dhaxli karo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xassan Shiikh oo dhambaal u diray dhigiisa Abdelmadjid Tebboune

Caydiid Ali

Qarax lagu weeraray Injineero Soomaali iyo ajaaniib ah oo ka dhacay Duleedka Muqdisho

Cabdi Cade

Ciidamada Dowladda oo qarxiyay maanta qaraxyo Al Shabaab ka qabteen (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---