Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Laftagareen iyo wafdi uu horkacayo oo gaaray Waddanka Nigeria (Ujeedka+Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Max’ed (Lafta-gareen) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa  gaaray Magaalada Abuja ee dalka Nigeria.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa qeyb ka ah Wasiiro xildhibaano iyo xubno kale oo ka tirsan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Ujeedada safarka Laftagareen iyo wafdigiisa ayaa lagu sheegay iney tahay casuumad ay ka heleen Maamulka dowlad goboleedka Kaduna ee dalka Nigeria.

“Casuumadan ayaa la xiriirta sidii labada Maamul ay u yeelan lahaayeen iskaashi la xiriira isdhaafsiga khibradaha maamul iyo waayo aragnimo, isla markaana u yeelan lahaayeen xiriir joogto ah” ayuu yiri masuul ka tirsan wafdiga Maamulka Koonfur Galbeed

Laftagareen iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale la sheegay iney u kuurgeli doonaan sida ay u shaqeeyaan dowlad goboleedyada Nigeria iyo sida ay ula fal galaan dowlad dhexe, iyadoo Nigeria ay ka mid tahay dalalka Afrika ee horumarka ka sameeyey hirgelinta nidaamka federaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Goobihii laga saaray Ruushka oo laga helay Xabaal wadareeyo hor leh (Sawirro)

Caydiid Ali

Dagaal xooggan oo saakay ka qarxay deegaanno dhaca gobolka Mudug

Cabdi Cade

Shir Muhiim ah oo Rwanda uga furmay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---