Allbanaadir.com
NEWS

Magaca Wadan kuyaala Qaarada Yurub oo la bedelay kadib muran ka dhashay

Dalalka Gariiga iyo Mecedonia ayaa ugu dambeyn ka heshiiyay murankii ka taagnaa Magaca Mecedonia, waxaana labada wadan ku heshiiyeen in la badelo Magaca dalka Mecedonia .

Gobol katirsan Dalka Gariiga  ayaa lagu magacaabaa Mecedonia , waxa ayna dowlada Gariiga in mudo ah kasoo horjeeda magaca ay qaadatay Dowlada Mecedonia kadib markii ay xor noqotay 25-sano kahor.

Magaca Dalka Macedonia ayaa hada loo bedelay Jamhuuriyada Waqooyiga Macedonia si loo kala saaro oo aysan isugu ekaan magaca gobol ku yaala Gariiga oo lagu magacaabo Macedonia.

Rai’sul wasaaraha dalka Macedonia, Zoran Zaev, ayaa sheegay in ka heshiiyeen dhigiisa dalka Gariiga Magaca la bedelay, waxa uuna xusay in heshiiskan uu yahay mid lagu dhowrayo tusmada dhaqanka iyo qoomiyadaha dalkiisa.

Shacabka dalka Mecedonia ayaa afti u qaadi doona magacan la bedelay, waxaana shacabka xaq u leeyihiin in ay diidaan magacan cusub ee Waqooyiga Mecedinia iyo in ay diidaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Coronavirus oo saameeyey Qoyska Boqortooyada Sacuudiga & Bin Salman & aabihiis oo..

Caydiid Ali

Muuse Biixi oo Safiirka Itoobiya ka guddoomay Warqadaha Aqoonsiga (Sawirro)

Cabdi Cade

Webiga Shabelle oo fatahaad ka bilaabay Sh/dhexe & Cali Guudlaawe oo kormeeray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---