Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muxuu salka ku hayaa heshiiska ay kala saxiixdeen Cumar Filish & heyadda DRC? (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo ay wehlisay Guddoomiye Ku xigeenka Arrimaha Bulshada Marwo Basma Caamir Axmed ayaa kulan la qaatay Madaxa Hay’adda DRC Somalia.

Waxaa kulankan loogu hadlay Xoojinta Xariirka Wada shaqeyn iyo dar-dar gelinta caawinta dadka Danta Yar ee ku nool xeryaha Barakacayaasha magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo madaxa Hay’adda DRC ayaa kala saxiixday Heshiis wada-shaqeyn oo ku xusan qorshaha iyo Habraaca Mashaariicda Horumarineed ee laga fulinayo Gobolka Banaadir si loogu saleeyo baahiyaha dadka danta yar.

Masuuliyiinta heyadda DRC ayaa kulankaas ka sheegay iney heshiiskan uu yahay mid lagu dar dar gelinayo iskaashiga la xiriira wax ka qabashada xaaladaha nololeed ee barakacayaasha ku nool gobolka Banaadir.

Barakacayaasha gobolka Banaadir iyo nawaaxigiisa ku dhaqan ayaa magacooda waxaa lagu galaa heshiisyo waaweyn oo deeq bixiyeyaasha looga soo qaato lacago fara badan kuwaasoo la sheegayo in wax loogu qabanayo, hase ahaatee dib dambe looma arko halka ay mareen deeqahaas, marka laga reebo baco ay saartaan bushasha ay degan yihiin iwm.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Qoor-qoor iyo C/raxmaan C/shakuur (Sawirro)

Caydiid Ali

Qoysas Maraykan ah oo ka soo jeeda Falastiin oo dacwad ku soo oogay dawladda Maraykanka

Cabdi Cade

Hay’adda Duulista Rayidka Somalia oo digniin kama dambeys ah siisay Somaliland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---