Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Wasiirada Hirshabelle oo shir Xasaasi ah ku yeeshay Baladweyne (Sawirro)

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka Golaha Xukuumada oo ka qabsoomay Magaalada Beledweyne.

Kulankaan Golaha Wasiirada oo Kusimaha Madaxweynaha shir gudoominayay waxaa ka qeybgalay oo warbixinta xaaladaha Gobolka looga dhageystay Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Mudane Cali Jeyte Cusmaan.

Sidoo kale kulanka Golaha Waxaa looga hadlay
1. Arrimaha Amniga iyo xasilinta nabadgelyada Deegaanada Hirshabeelle.

2. Mashaariicyada Horumarineed ee ka socda Hirshabeelle sida ka hortaga fatahaadaha iyo Mashaariicyada kale ee soo socda sidii loo maareyn lahaa oo qorshe mideysan looga yeelan lahaa.

3. Siyaasadda guud ee Hirshabeelle iyo diyaar garoowga Arrimaha Doorashooyinka ee fooda nagu soo haayo ee heer federaal.

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Hirshabeelle ayaa kulanka Golaha Wasiirada warbixin uga dhageystay qaar kamid ah Golaha Wasiirada iyo Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Booliska Hirshabeelle oo Golaha uga warbixiyay xaaladaha Amniga ee Hirshabeelle.

Related posts

Meydka RW hore oo lagu aasay Garoowe & Madax badan oo ka qeyb gashay (Sawirro)

Caydiid Ali

Hool xaflad aroos ka socotay oo kuyaala Muqdisho oo caawa dumay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxweyne Biixi oo xaalad deg deg ah kusoo rogay Deegaano katiran Somaliland

Cabdi Cade