Allbanaadir.com
NEWS

Dood adag oo ka taagan in Gabar noqon karto Qaadiga Muslimiinta dalka Kenya

Dalka Kenya waxaa ka taagan doodda ah in gabdhaha Muslimiinta ah ay noqon karaan qaadiga Muslimiinta dalkaas ee ka shaqeeyo danaha shacabka Muslimiinta iyo in kale.

Qaar kamid ah ururada haweenka Kenya ayaa gadaal ka riixayaa in jagada ugu sarreysa ee xafiiska qaadiga loo magacaabo haweenka xilli uu xilka kasii degayo qaadiga hadda xilka haya.

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa sheegay indalabkaasi aysan aqbaleynin maadama ay tahay arrin liddi ku ah diinta.

“Ma aqbaleyno in qof dumar ah ay noqoto qaadi. Waa arrin kasoo horjeedo diinta Islaamka,” ayuu yiri Ducaale.

Wuxuu intaasi ku daray “diinta Islaamka waxay maqaam sare gaarsiisay oo ay qaddarisay dumarka, Islaamka wuxuu si cad u sharraxaya shaqooyinka haweeneyda looga baahan yahay inay qabato iyo kuwa laga mamnuucay, waxaana kamid ah shaqada qaadiga.”

Wuxuu dadka wada ololahan uga digay inay soo saaraan arrimaha ku aadan in dadka loo yeeriyo go’aanada ku saabsan diinta Islaamka ee dalkan.

Ducaale ayaa sidoo kale sheegay in taariikhda aanan lagu heynin haweeney qaadi u noqotay Muslimiinta sidaa daarteed aysan marnaba ogolaan doonin arrintani.

“Qaadiga Kenya waxaa u sheegeynaa in arrintaas uusan inoola imaanin, Qaadiga wuxuu gabdhaha ug baaqayaa inay codsadaan shaqada xafiiska ugu sarreeyay qaadiga muslimiinta,” ayuu yiri Ducaale.

Muxuu ka yiri qaadiga arrintani?

Qaadiga Muslimiinta Kenya, Sheikh Ahmed Muhdhar ayaa soo dhaweeyay arrintani, wuxuu sheegay in dumarka ay qaban karaan jagadan mar haddii ay u qalmaan.

“Mar haddii aad kusoo takhasustay cilmiga shareecada Islaamka waxa aad xaq u leedahay qabashada xilkan iyadoo la eegeynin jinsiyadda” ayuu yiri qaadiga Muslimiinta Kenya , sida uu ku warramay wargeyska The Daily Nation.

Muslimiinta kale maxay ka dhaheen

Dhanka kale, guddoomiyaha golaha qaran ee imaamyada iyo muwaacidiinta Kenya Xasan Cumar ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan in haweeney ay noqoto qaadiga muslimiinta ee Kenya.

Wuxuu sheegay in aanay suurtogal aheyn in haweeneyda ay dumarka nikaaxdo ama inay xalliso kiisaska la xiriira furriinka, oo ah qaar ka mid ah shaqooyinka u qabta qaadiga.

“Taariikhda Islaamka, laguma hayo haweeney noqotay qaadiga Islaamka marka hadda ma dhici karto arrintaas, haweeneyda dumarka kale ma nikaaxi karto, mana xallin karto kiisaska la xiriira furriinka, suurtagal ma aha, haddii tallaabada ceynkaas ay timaaddo waan ka hor imaaneynaa” ayuu yiri Cumar Xasan.

Xafiiska qaadiga muslimiinta Kenya ayaa ka shaqeeyaa danaha iyo xallinta dhibaatada ka dhex taagan Muslimiinta haddii ay ahaan laheyd arrimaha guurka, furriinka , dhaxalka iyo ku dhawaaqista maalmaha ciidda ama soonka.

Source-bbc

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliye Sambaloolshe oo dalab xasaasi ah hordhigay Ugaaska cusub ee Xawaadle

Caydiid Ali

Kalkaalisadii ugu horeysay oo magaalada Muqdisho ugu geeriyootay cudurka COVID-19

Caydiid Ali

Gabar Wariye ah oo Isbitaal ku umushay iyada oo Barnaamij toos ah tabineysa (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---