Allbanaadir.com
NEWS

Ingiriiska oo hub culus siinaya Somaliland iyo halista ay leedahay oo laga digay

Dawladda Ingiriiska ayaa wadda qorshe ay hub ugu daabbulayso maamulka Somaliland, waxana ilo ka ag dhow maamulka Hargeysa ay xaqiijiyeen in UK ay xilli hore ba bilawday barnaamijka taakulaynta militari ee ay siiso Somailand.

Ingiriisku waxa uu horay taageero iyo tabarbar ciidan u siin jiray cutubyo ka tirsan ciidamada Somaliland; sida ciidana gaarka ah ee RRU iyo ciidanka ilaalada xeebaha ee maamulkaasi. Laakiin qorshahan ayaa ka duwan taageeradii hore, waxana hadda maamulkaasi gacanta loo gelinayaa hub casri ah oo aan la oggolayn in la keeno dalka.

Shixnadaha hubkan ee dawladda Ingiriisku dhowaan u rarayso Somaliland oo ah mid culus ayaa isugu jira taangiyo, baabuurta gaashaaman (armored vehicles)  madaafiicda goobta (artillery), hubka is-rida ee gantaalada tuura (self-propelled rocket launchers) iyo hubka lidka diyaaradaha. Waxaa sidoo kale weheliya qoryo tiro badan oo kuwa gacanta ah iyo hubka sida darandooriga u dhaca ee loo yaqaan machine guns kuwooda waaweyn.

Hubkaay dawladda Ingiriisku siinayso Somaliland waxaa ka mid ah doonyaha dheereeya ee lagu ilaaliyo xeebaha, waxana lagu xirayaa qoryaha darandooriga u dhaca.

Soomaaliya waxaa saaran cunaqabatayn dhinaca hubka ah, waxana mamnuuc in hub noocaas la soo geliyo gudaha dalka, iyadoo qorshan ay waddo dawladda Ingiriisku uu xadgudub ku yahay qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey  ee mamnuucaya in hub iyo saanad culus la geeyo dalka Soomaaliya.

Arrinta yaabka leh ayaa ah in dawladda Ingiriisku ay ugu horrayso dawladaha diidan in cunaqabataynta hubka laga qaado dalka Soomaaliya si loo qalabeeyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira kooxda argagaxisada ah ee Alshabab.

Dawladda UK waxay muddo wadday inay is hor taagto in xayiradda hubka laga qaado dalka Soomaaliya, waxana dad badan oo Soomaaliyeed ay horay ugu eedeeyeen UK inay Soomaaliya kula dhaqmayso siyaasad laba-wajiilayn.

Haddii dawladda Ingiriisku ay ka dhabayso qorshaheedan ay ku hubayneyso maamulka Somaliland, taasi waxay xadgudub ku tahay qaranimada Soomaaliya, maadaama aan lala socodsiin dawladda sharciga ee Soomaaliya. Tallaabadan waxay  abuuraysaa isu-dheeli-tirnaan dhinaca awoodda ah marka la eego khilaafka dhuleed ee  maamulka Somaliland muddo ka dhexeeyey Puntland .

Sidoo kale waxay soo baxaysaa xilli maamulka Somaliland uu gobolada Sool, Sanaag iyo Awdal ka wado xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, waxana suuragal ah in hubka UK lagu dhibaateeyo dadka Soomaaliyeed ee ku nool waqooyiga Soomaaliya ee diidan gooni-goosadka.

Dawladda Soomaaliya oo hubkan ka war heshay ayaa sheegtay inay baarayaan arrintan, ayna ka hadli doonaan markaugu habboon ee ay u dhamaystiranto xogta ay ururinayaan. Dadka Soomaaliyeed ee ka dhaqdhaqaaqa baraha bulshada ayaa muddo waday olole ka dhan ah kaalinta UK ee Soomalaiya  iyo dhagarteeda ka dhanka ah qaranimada iyo midnimada dalka.

By: Aydid Guled

Xigasho: African Times

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Puntland oo aqbashay Xabad joojin Hanjabaad adagna u dirtay Ciidanka PSF

Cabdi Cade

Dib u Eegista Sharciga Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Waa lama Huraan

Cabdi Cade

Sargaal katirsan ciidanka booliiska oo lagu dilay Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade