Gen. Abuukar Warsame Xuud oo hogaamiya ciidamo wada kacdoon looga soo horjeedo maamulka Hirshabelle ayaa faah faahin ka bixiyay dagaal xalay ka dhacay magaalada Baladweyne oo u dhaxeeyay ciidamada uu hogaamiyo iyo kuwa Hirshabelle.
Waxa uu sheegay Janaraal Xuud in dagaalka yimid kadib markii wasiiro katirsan maamulka Hirshabelle yimaadeen magaalada Baladweyne, waxa uuna xusay in ay kasoo horjeedaan imaatinka wasiiradaasi iyo shirka lagu qabanayo Baladweyne.
Janaraal Xuud ayaana tilmaamay in dagaalkii xalay ka dhacay magaalada Baladweyne uu khasaaro kasoo gaaray labada dhinac, waxa uuna cadeeyay in Hirshabelle xal aan dagaal aheyn aysan xiligan ku wajaheyn.
Wareysi uu bixiyay sargaalkan hogaamiya ciidamada kasoo horjeeda Hirshabelle ayaa sheegay in markii hore Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle Yuusuf Dabageed iyo raga la jooga ay ugu jireen xabsi kor ka feedan balse hada naf soo gashay .
Dhinaca kale Jaranaal Xuud ayaa uga digay ciidamada AMISOM ee gacana ku haya garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee duleedka Baladweyne in diyaarad dambe kasoo degto garoonkaasi, waxa uuna ku hanjabay hadii diyaarad kale soo degto in ay qarxinayaan
”Ciidanka AMISOM waxaan u sheegeynaa hadii diyaarad dambe kasoo degto garoonka ay qarxeyso, diyaaradihii waxa ay noqdeen kuwa u shaqeeya Hirshabelle sidaa daraadeed ma ogolana doono in diyaarad dambe garoonka kasoo degto” ayuu yiri Jen Xuud.
Sargaalkan horboodaya kacdoonka ka dhanka ah Hirshaballe ayaa meesha ka saaray wax waan waan ah ay la galayaan Hirshabelle, waxa uuna cadeeyay in iyaga iyo Hirshabelle awood ciidan ku kala baxayaan.
Hadalka kasoo yeeray Janaraal Xuud ayaa imaanaya xili magaalada Baladweyne ka jirto xiisad u dhaxeysa ciidamada Hirshabelle iyo ciidamada Janaraal Xuud kuwaa oo xalay ku dagaalamay qeybo kamid ah Baladweyne.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com