Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xukun adag oo lagu riday nin Xaaskiisa ku hor dilay caruurteeda oo daawanaya

Waxay aheyd mid kamid ah dhacdooyinka ugu naxdin badan markii Aabe Haider Al-Faili oo 46 sano jir ah uu Xaaskiisa ku dilay tooray xili ay daawanayeen Caruurteeda.

Maxkamada ayaa maanta u fadhiistay xukunkiisa waxaana ugu danbeyn lagu xukumay xabsi daa’in inta noloshiisa ka dhiman.

Falka Dilka ayaa ka dhacay degaanka Flemmingsberg oo ka tirsan gobolka Hodinge ee dalka Sweden bishii April waxaana dilkaasi aad ugu argagaxay bulshada Sweden.

Hooyada Dhashay Virgin oo aheyd Haweeneyda lagu dilay Tooreyda ayaa xukunka kadib la hadashey warbaahinta.

”Aad ayaan u faraxsanahay Sweden waxaa taala Cadaalad Maxkamada Waxay tixgalisay Codsiga caruurta” ayey tiri Hooyada.

Maxkamada intii ay socotay waxaa goobta la keenay cadeymo badan oo fududeeyey Xukunka lagu riday Haider.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Reer Galbeedka oo shuruud ku xiray in Taliban loo fasaxo Balaayiin dollar oo xaniban

Caydiid Ali

Guddiga Xalinta Khilaafaadka oo Caqabadaha ka jira Doorashada u gudbiyay Kate Foster

Cabdi Cade

Mareykanka oo dhameystiray daad gureynta diblomaasiyiinta Safaaradiisa Khartuum

Caydiid Ali
Taboola Ads ---