Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Hogaamiyaha TPLF oo 8 bilood ka dib ku laabtay Magaalada Makelle (Daawo Sawirro)

Hogaamiyaha kooxda TPLF ayaa dib ugu laabtay caasimada gobolka Tigray ee Mekelle, kadib 8 bilood oo uu dagaal kula jiray ciidamada Federalka, sida ay wararka sheegayaan.

Dr. Debretsion Gebremichael ayaa shalay soo gaaray magaalada Mekelle, maalmo kadib markii ay ciidamada Federalku ka baxeen magaalada iyo inta badan gobolka.

Waa gudoomiyaha kooxda TPLF wuxuuna madaxwayne ka ahaa dawlad deegaanka Tigray oo uu hogaamiye ka ahaa xisbigiisa ka hor intaan meesha laga saarin.

Isaga iyo asxaabtiisuba waxay ka baxeen magaalo madaxda gobolka waxyar ka hor inta aysan ciidammada federaalku la wareegin dabayaaqadii Nofembar 2020.

Baraha bulshada ayaa waxaa lagu faafiyey sawiro muujinaya Debretsion oo xiran astaanta halgamayaasha TPLF oo u muuqday inuu caatoobay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddiga joogtada ah ee golaha shacabka oo isugu yimid kulan looga hadlay qodobo xasaasi ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Saddex qodob ka Ogow Maalqabeennadii wadkoodda ku iibsaday lacagta badan

Cabdi Cade

Musharaxiin gaaray Teendhada Afisiyooni iyo Doorashada oo goordhaw bilaabaneysa (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---