Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya Generaal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay burcad hubeesan oo ciidamada booliiska gacanta kusoo dhigeen xili dhac ka geesanayeen qeybo kamid ah Muqdisho.
Jeneraal Xijaar ayaa sheegay in ciidamada howlgalo ay ka sameeyeen qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir kusoo qabteen burcad dhac u geesanayay dad shacab ah uu ku jiro nin kaamirada qabatay isaga oo carwo Moobeelo ka dhacaya.
Taliyaha booliiska ayaa cadeeyay in maxkamad la horgeyn doono burcada hubeesneed ee lasoo qabtay, waxa uuna xusay in ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah burcada hubeesan ee shacabka dhaca iyo dhibaatada u geesanaya.
Waxa uu sheegay taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya in cadaalada la horgeyn doono qof kasta oo loo soo qabto falal amaanka lidi ku ah ama mid burcadnimo ha noqdeen ciidan ama shacab caadi ah.
Hadalka kasoo yeeray taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho kusoo kordheen burcad hubeesan oo dhac u geesanayay shacabka iyo goobaha ganacsi kuwaa oo qaarkood lasoo qabtay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com