Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Jocob Zuma oo diidan in xabsiga la dhigo Codsi cusubna u diray Maxkamada sare

Maxkamada sare ee dalka Koonfur Afrika ayaa dhawaan xukun xabsi 15-bilood ah ku riday Madaxweynihii hore ee dalkaasi Jocob Zuma oo lagu helay amar diido iyo in uu sameeyay musuq maasuq iyo falal dambiyeedyo kale.

Jocob Zuma ayaa loo qabtay ilaa axada beri ku beegan in uu isku soo dhiibo ciidamada booliiska si xabsiga loo dhigo uguna bilaabato xabsiga 15-ka bilood ah, hasa ahaatee Zuma iyo taageerayaashiisa ayaa kasoo horjeeda in la xiro Madaxweynaha.

Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika ayaa ka codsaday maxkamada sare ee dalkaasi in dib u eegis ku sameyso xukunkii hore ee ku riday, waxa uu sidoo kale codsaday in dib loo dhigo xukunka maxkamadda inta ay dib u eegis uga sameyneyso codsigiisa.

Lama oga jawaabta ay maxkamada ugu sareysa dalka Koonfur Afrika ka bixin doonto codsiga uga yimid Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Jocob Zuma oo maxkamada amartay in la xiro iskuna soo dhiibo booliiska.

Tagaeerayaasha Jocob Zuma ayaa isugu tagay gurigiisa oo kuyaala gobolka Kwazulu Natal , waxa ayna taageerayasahiisa ku shaaciyeen in madaxweynaha sharaftiisa difaacayaan una dagaalami doonaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muqdisho oo Jawi siyaasadeed oo xasaasi ah galeysa iyo Musharaxiin kusoo kusoo wajahan !!

Cabdi Cade

Dagaal dhimasho & dhaawac geystay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Xogta isgaarsiinta ee shaqaalihii Aqalka Cad ee xilligii Donald Trump oo la baadi goobayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---