Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir hore oo loo doortay Gudoomiyaha KMG ee guddiga xalinta Khilaafaadka Doorashada

Guddiga xalinta khilaafaadka doorashada ee heer federaal ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxa ay ku doorteen Gudoomiye KMG ah , waxaana loo doortay shaqsigii ugu da’da weynaa xubnaha guddigaasi.

Gudoomiyaha KMG ee guddiga xalinta khilaafaadka doorashada ayaa loo doortay siyaasiga Cabbdullaahi Abyan Nuur oo marar kala duwan wasiir kasoo noqday Xukuumadii kala duwanaa ee dalka soo maray.

Guddiga xalinta Khilaafaadka heer federaal ayaana la filayaa in si rasmi ah u doortaan gudoomiye iyo kuxigeen hogaamiya, waxaana  guddigan guda gali doonaan howlaha loo igmaday iyaga oona aadi doona maamul goboleedyada.

Doorashda Soomaaliya ayaana lagu wadaa in dhawaan si rasmi ah uga bilaabato maamul goboleedyada dalka, waxaana la diyaariyay habraaca iyo jadwalka doorashada Xildhibaanada labada aqal ,Gudoonka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jeneraal Al-Burhan oo Kenya darteed u qaadacay Shirka IGAD iyo Hemetti oo isna shaki muujiyay

Cabdi Cade

Sheeko Madmadow Leh – Maxay Somalia Uga Dhigan Tahay Xubinnimada Kenya ee Golaha Amniga?

Cabdi Cade

Ololaha doorashada Somaliland oo si rasmi ah u bilowday maanta iyo Xisbiga UCID oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---