Allbanaadir.com
NEWS

Safaarada Soomaaliya ee Kenya oo bilooyin kadib shaqo bilowday iyo Tarsan oo ka hadlay

Xiriirka Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa soo hagaagaya, waxa ayna labada dal hada bilaabeen in si rasmi ah usoo celiyaan xiriirkooda diblumaasiyadeed dibna u furaan bilooyin kadib safaaradaha ay ku kala lahaayeen Nairobi iyo Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah dib ugu furtay safaaradeedii ku taalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaddib muddo lix bilod ah oo ay u xirnayd khilaafkii diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeyay dowladda Kenya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa shaaciyay in si rasmi ah loo furay safaarada Soomaaliya ee ku leedahay Kenya ayna dib u bilowday adeegyadii ay bulshada u haysay.

Waxa uu sheegay Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan in wadamada Soomaaliya iyo Kenya ay yihiin laba waddan oo daris ah uuna ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah oo aanan si fudud u kala go’i karin.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa kala qaatay safaaradaha kadib markii uu xiriirkooda xumaaday, waxaana hada muuqata in dib usoo hagaagay xiriirka labada dal kadib dhax dhaxaadin laga dhax sameeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xassan Shiikh oo ka hadlay bilashada Bisha Ramadaan, shacabkana hambalyo u diray

Caydiid Ali

Toban qof oo ku dhintay qarax ka dhacay kaalin shidaal oo ku taalla gobolka Donegal (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamo katirsan AMISOM oo caawa gaaray deegaano katirsan Galmudug

Cabdi Cade
Taboola Ads ---