Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Rooble oo ka hadlay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxii galabta ka dhacay goob maqaaxi ah oo ay ku shaaheynayeen dad rayid ah, kaasi oo ka dhashay qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

”Waxaan cambaareynayaa qaraxii argagixisada Al-Shabaab galabta ka geysteen Muqdisho oo ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan. Inta dhimatay Allaha u naxariisto, dhaawacyadana Allaha bogsiiyo” ayuu yiri Rooble.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa sheegay in Al Shabaab go’aabsadeen in ay waxyeeleeyaan shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna cadeeyay in ay iska kaashan doonaan la dagaalanka iyo ciribtirka kooxda Al Shabaab.

Qarax ismiidaamin ah uu fuliyay ruux waxyaabaha qarxa isku soo xiray galabta ayaa galaaftay nolosha dad ka badan 10-qof oo isugu jiray askar katirsan ciidanka dowlada iyo dad shacab ah.,

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Koox diimeed ka jirta bariga Afrika oo lagu daray liiska argagixisada Maraykanka

Caydiid Ali

Xamse Barre oo shirkii labaad la qaaatay gole uu dhowaan ku dhawaaqay (Sawirro)

Caydiid Ali

Shilkii lagu hoobtay oo caawa ka dhacay Isgoyska H/wadaag oo Faahfaahin laga bixiyey (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---