Allbanaadir.com
NEWS

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo baaq u diray Madaxweyne Farmaajo iyo Xukuumada Rooble

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku dhaliilay Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday in uusan wali ka hadlin dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea .

Waxa uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur in Madaxweynaha iska indha tirayo caruurta waalidiintooda ka maqan tahay, waxa uuna xusay in Guddigii xukuumada magacawday warkooda dib dambe loo maqlin.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xukuumada xilgaarsiinta in dhalinyarada ku maqan dalka Eritrea dib loogu soo celiyo waalidiintooda intii dal shisheeye laga dagaal galin lahaa.

“Waa in dawladnimo, diin, damiir, iyo waalidnimo midkood idin damqiyaa. Waxaan ugu baaqayaa madaxweynaha xilkiisa dhamaaday iyo xukuumada xilgaarsiinta in ay waalidiinta ubadkooda intii nool u soo celiyaan, intii dagaal shisheeye ama dayac kale u dhimatayna uga run sheegaan.” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Related posts

Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay Cabashada Jawaari iyo Cabashooyin kale oo loo gudbiyay

Cabdi Cade

Dowladda oo soo bandhigtay Meydadka Xubnihii Al Shabaab ee lagu dilay Sinadhaqa (Sawirro)

Cabdi Cade

Guri kuyaalla magaalada Muqdisho oo la qarxiyay iyo Faah faahino laga helayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---