Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddiga doorashooyinka heer Federaal oo iska dhex doortay guddoon KMG ah

Kulan ay maanta yeesheen guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal ayaa iska dhex doortay Gudoomiye cusub  oo uu ku soo baxay Muuse Geelle Yuusuf kaasoo noqonaya Guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee guddiga.

Guddoonkan cusub ee ku meel gaarka ah ayaa hawshiisu tahay qabanqaabada iyo qabashada gudoonka guddiga Qaran ee hagaya doorashada.

Sidoo kale, Gudoomiyaha ayaa dhisay guddi ka kooban shan(5) xubnood oo qabanaya doorashada gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka oo dhici doonta maalinta Axadda ee ku beegan 4-July-2021.

Guddoomiyihii hore Maxamed Xasan Cirro ayaa si rasmi madasha shirka isaga casilay xilkii hore, isagoona ku wareejiyey gudoomiyaha ku meel gaarka ah ee cusub.

Soomaaliya ayaa dhowaan waxaa ka bilaabanaya doorashada labada aqal ee Baarlamanka iyo madaxweynaha oo ugu dambeyn la soo gebagebeynayo 10-ka October ee sanadkan sida qorshuhu yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qalab aqoonsanaya Wajiyada Tuugada oo lagu rakibay Dukaamo caan ah !!

Cabdi Cade

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo la wareegay Deegaanka Masagaway

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Abiy Ahmed oo kulan Xasaasi ah la qaadanaya Madaxweyne Erdogan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---