Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: Saraakiil Milatari oo booqatay Deegaankii dhawaan lagu dilay Askariga Mareykanka

Saraakiil katirsan ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa booqday Deegaanka Baar Sanguuni iyo deegaano kale oo dhawaan ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ka saareen dagaalyahanada Al Shabaab.

Saraakiisha booqotay Deegaanka Baar Sanguuni waxaa hogaaminayay Taliyaha howl-galinta ciidanka xoogga dalka General Maxamed Sheekh Madoowe, waxa ayna saraakiishan warbixino ka dhageesteen saraakiisha ciidanka Milatariga ee ku sugnaa Sanguuni.

Taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka xoogga dalka General Cismaaciil Saxardiid ayaa uga warbixiyay Saraakiisha soo booqatay Sanguuni xaalada deegaankaasi iyo guulaha ay ciidanka ka gaareen dagaalo ay la galeen Al Shabaab.

Taliyaha howl-galinta ciidanka xoogga dalka General Maxamed Sheekh Madoowe oo la hadlay ciidanka Milatariga ee la wareegay deegaanka Baar Sanguuni in ay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah Dagaalyahanada Al Shabaab.

Waxa uu taliyaha ku booriyay ciidaka Milatariga in ay u taraan shacabka ku sugan deegaanka ay ka saaraan dagaalyahanada Al Shabaab , waxa uuna ciidanka ku amaanay sida ay ugu heelan yihiin difaaca dadkooda.

Deegaanka Baar Sanguuni ay maanta kormeereen Saraakiishan katirsan Ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa Jimcihii lasoo dhaafay kooxda Al Shabaab ku dileen Askari katirsanaa Ciidanka Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Dowlada Soomaaliya oo soo saartay amar ku socda Ganacsatada Daawada

Caydiid Ali

Shir xasaasi ah oo ka furmaya Garoowe iyo Xiisada ka taagan doorashada Somalia oo..

Caydiid Ali

(Sawirro) Mahad Cali Max’ed oo isku soo dhiibay ciidamada Nabad sugida K/Galbeed

Caydiid Ali
Taboola Ads ---