Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Jaamacadda Carabta oo war ka soo saartay arrimaha doorashada Soomaaliya

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta mudane Caadil bin Cabdiraxmaan Al-Casuumi ayaa soo dhaweeyay go’aankii ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaranka ee ku saabsanaa jadwalka doorashooyinka dalka

Al-Casuumi ayaa bogaadiyay sida madaxda Soomaaliyeed ay u muujiyeen mas’uuliyad wadareed si hore loogu dhaqaaqo.

Waxaa uu intaas ku daray in Baarlamaanka Carabtu garab taagan yahay Soomaaliya si loo xaqiijiyo xasiloonida iyo horumarka dalka.

Guddoomiye Al-Casuumi ayaa ugu baaqay wadamada Carabta iyo beesha caalamka inay taageeraan Soomaaliya si looga miradhaliyo heshiiyadii la gaaray, sidoo kalena ay u dhacdo doorasho daah furan oo lagu wada qanacsan yahay.

Golaha Wadatashiga Qaranka oo ka kooban Xukuumada Somalia, dowlad goboleedyada iyo Maamulka gobolka Banaadir maalmo ka hor shir ugu soo xirmay Muqdisho ayaa soo saaray jadwalka ay dhaceyso doorashada labada gole ee baarlamanka iyo tan Madaxweynaha Somalia hogaamin doona afarta sano ee soo socota.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka Qorshaynta Puntland “Waanu kasoo horjeednaa in Soomaaliya deynta laga cafiyo”

Caydiid Ali

Hogaamiye Burcad dhibaato ku hayay Soomaalida kunool Koonfur Afrika oo la xiray

Cabdi Cade

Aqalka Sare oo Qaraar kasoo saaray Weerarkii lagu qaaday Guriga Senator Cabdi Qeybdiid (Akhriso)

admin
Taboola Ads ---