Wararka ka imaanaya magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta ayaa sheegaya in caawa ciidamo hubeesan oo horey uga tirsanaa Kooxda Ahlu Sunna hareereeyeen lana wareegeen guriga uu Dhuuso Mareeb ka degan yahay Madaxweyne Xaaf.
Sida aan Wararka ku heleyno ciidankan oo u abaabulan hab beeleed ayaa ka careesan mushaar aan la siin dhowr bilood, waxa ayna ciidankan ka dalbadeen Madaxweynaha in uu siiyo mushaarkooda balse dalabkooda dhagaha laga fureestay.
Warar aan helnay ayaa sheegaya in Madaxweyne Xaaf uu soo helay lacag uu u tala galay in uu siiyo Xildhibaanada Baarlamaanka galmudug , waxa ayna ciidamada ka caroodeen in Xildhibaanada kaliya mushaar la siiyo iyagana la iska hilmaamo.
Waxaa hada ka socda magaalada Dhuuso mareeb dadaalo ay wadaan Madax katirsan maamulka Galmudug gaar ahaan garabkii Ahlu Sunna ee ku biiray Galmudug, waxa ayna ciidamada ku qancinayaan in ay ka baxaan aaga guriga uu Degan yahay Xaaf.
Maamulka Galmudug ayaa xiligan wajahaya khalalaaso siyaasadeed oo aad u xoogan, waxaana arimahan imaanayaan xili uu Khilaaf xoogan ka dhax aloosan yahay Madaxda sare ee maamulkaasi oo hada labo garab u kala jabay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com