Allbanaadir.com
JUBALANDNEWSPUNTLAND

Madaxweyne Deni iyo wafdi uu horkacayo oo lagu soo dhoweeyey Kismaayo (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi  Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Kismaayo.

Deni iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka dayuuradaha Kismaayo ku soo dhoweeyey madax ka tirsan Jubbaland oo uu horkacayey Madaxweyne Axmed Madoobe.

Wafdiga Madaxweynaha Puntland ayaa ka ambabaxay maanta Magaalada Muqdisho halkaasoo ay kaga qeyb galeen shirkii Golaha wadatashiga oo laga soo saaray Jadwalka doorashada.

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa magaalada Kismaayo kulamo kula qaadan doona madaxweynaha Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka dowladda oo Weerar gaadmo ah ku dilay 60 dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Kheyre oo kulan xasaasi ah la qaatay Macalin Maxamuud iyo Xog ku aadan …

Cabdi Cade

Maxay tahay xarunta cusub ee uu xariga ka jaray Taliyaha Booliska Somalia? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---