Dowlada Mareykanka ayaa mar kale ugu baaqday Madaxda Dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka in sida ugu macquulsan uguna deg dega badan ku qabtaan doorashada waqtigeeda dhaaftay.
Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken, ayaa sheegay in hogaamiyaasha siyaasada Soomaaliya looga fadhiyo in ay hirgaliyaan hanaanka doorashada ee lagu heshiiyay sida ugu dhaqsiyaha badan.
”Waxaan ku baaqayaa in lasii wado wada-shaqeynta hoggaamiyayaasha federaalka iyo kuwa dowladaha xubnaha ka ah federaalka, si taasi ay u suurta-galiso soo geba-gebeynta hanaan doorasho oo nabad ah, loo dhan yahay, islamarkaana daah-furan, sida ugu deg degta badan uguna suurta-galsan.” Ayuu yiri Antony Blinken,
Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in dowladdisa ay faraxsan tahay inay sii waddoo taageerada ay siiso dadaallada madaxda Soomaalida ee ku aadan dhisidda Soomaaliya nabad, xasilooni iyo barwaaqo ah.
Baaqan kasoo baxay dowlada Mareykanka ayaa kusoo aadaya xili Dowlada federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada isku raaceen soona saareen jadwalka iyo habraaca doorashada Soomaaliya .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com