Taliska ciidanka Booliska Somalia ayaa ku soo bandhigay saldhiga degmada Hodan rag hubeysan oo maalmahanba dhac kala duwan ka geysanayey Magaalada Muqdisho.
Ragga la soo bandhigay waxaa ku jira mid ka mid ah labo nin oo maalmo ka hor dhac u geystay dukaan lagu iibiyo qalabka Electroonikada oo ku yaalla laami yaraha Zoope, halkaasoo ay ka qaateen Mobile fara badan oo qaali ah.
Muuqaal ay duubtay kaamero ku dhegeneyd dukaanka ay dhaceen ayaa saacadihii ugu dambeeyey ku faafay baraha bulshada, waxaana Muuqaalkaas lagu arki arkaa labo nin oo soo galaya dukaanka, ka dibna dhac geysanaya.
Hoos ka akhriso War-saxaafadeed ay soo saareen Booliska
Shir Jaraa’id, 30-June-2021, Howlgalka Sifeynta Burcada Hubeysan.
27-Jun-2021, ayaa burcad wadata mooto Bajaaj, waxey zone Trabune dhac ugu geysteen muwaadin Soomaaliyeed, ayaga oo adegsanaya Pistolad, Dhibanihii oo u dacwooday barta Xariirka Ciidanka iyo Shacabka 991, ayaa gacanta lagu soo dhigay.
29-Jun-2021, burcad kale oo hubeysan ayaa dhac ugu geystay irida Hospital Shaafi muwaadin Soomaaliyeed, ashtakada oo loo gudbiyay 991, ayaa sahashay in gacanta lagu soo dhigo eedeysanayaasha isaga iyo cadeymihii.
29-Jun-2021, ayaa markale labo dhalinyaro ah oo ku hubeysan pistolad ay dhac ku fuliyeen, Carwo KAAH Electronics iyagoo ka qaatay tiro Mobailo ah iyo qalabkooda ashtako ka dib, waxaa gacanta lagu soo dhigay mid ka mid ah eedeysnayaasha kii kalana dhawaan ayaa gacanta lagu soo dhigayaa insha alaah.
30-Jun-2021, ayaa gacanta lagu soo dhigay 2 burcad ah oo hubeysan oo gadiid isticmaali jiray, waxey ahaayeen caadrystayaal horay dhac ugu geystay Mobailo iyo Dahab, iyaga oo midkood kufsi horay ugu geystay, ashtakada dhibanayaashu u gudbiyeen Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed kadib ayaa gacanta lagu soo dhigay iyaga iyo cadeymahoodii.
Fariin.
Waxaan ummadda ku boorinaynaa in ay foojignaadaan. Isla markaana ka taxadaraan gadiidka aysan cida wadata aqoon, wixii ay arkaana la soo wadaagaan Ciidanka Boliiska iyaga oo wacaya 991.
Dadka ashtakadooda horay udiiwaan geliyay ee agabkooda gacanta lagu hayo, Maxkamadeynta ka dib, waxey ka doonan karaan Saldhiga Boliiska ee ay horay uga diiwaan galiyeen ama nawaaxigooda lagu dhacay.
Mahadsanidiin.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com