Madaxweynihii hore ee Somalia Xassan Shiikh Maxamuud oo sidoo kale ka mid ah musharaxiinta u taagan xilkaas ayaa hoygiisa Muqdisho ku qaabilay safiirka dowladda Imaaraadka ee Somalia danjire Mohamed Ahmed Othman Al-Hammadi.
“Madaxweyne Hassan Shiikh Mohamud ayaa hoygiisa Muqdisho ku qaabilay safiirka dowladda Imaaraadka ee Soomaaliya Ambassador Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi, isagoo uga mahad celiyay kaalinta dowladdiisa ee dib u dhiska Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay xisbiga UPD ee uu hogaamiyo Xassan Shiikh.
Sidoo kale, Hassan Shiikh ayaa si kooban uga hadlay kulankan.
“Waxaan maanta kulan la qaatay safiirka dowladda Imaaraatka Danjire Maxamed Axmed Cusmaan Al Xammadi oo hoygeyga igu soo booqday. Waxaan uga mahadceliyay kaalinta dowladdiisa ee dib u dhiska Soomaaliya. Labadeena dalba waxay wada leeyihiin xiriir shacab oo soo jireen ah” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray Madaxweynihii hore.
Faahfaahin badan lagama hayo kulankan iyo waxyaabaha rasmiga ah ee looga hadlay, balse waxaa uu ku soo aadayaa xili dalka ay ka socoto qabanqaabada doorashooyinka labada aqal ee baarlamanka iyo Madaxweynaha.
Kulankan ayaa shaki badan gelinaya Villa Somalia oo aysan isku fiiceyn dowladda Imaaraadka Carabta iyo Xassan Shiikh labadaba, iyadoo ka cabsi qabta in Imaaraadku taageero dhaqaale siiyo musharaxiinta loolanka adag kula jira Madaxweynaha xiligiisu dhamaaday Farmaajo.
Imaaraadka oo si weyn taageeri jiray dowladii tan ka horeysay ee Madaxweyne Xassan Shiikh hogaaminayey ayaa isku dayaya iney saameyn ku yeeshaan doorashada Somalia, si meesha looga saaro dowlada Madaxweyne Farmaajo oo xiriirkoodu aad u xumaaday.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com