Madaxweynaha Galmudug Mudane Ahmed Abdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa caawa casuumaad casho sharaf ah u sameeyay madaxdii kala qeyb gashay shirkii golaha wadatashiga Qaran ee lagu soo afmeeray Muqdisho.
Masuuliyiinta munaasabadan cashada ah ka qeyb galay waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Denni, Madaxweynaha Koonfur galbeed Cabdicasiis Maxamed Laftagareen iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo
Waxaa sidoo kale kulankaas goob joog ka ahaa xubno ka tirsan Midowga Musharaxiinta oo ay ka mid ahaayeen Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, Mustaf, dhuxulow iyo qaar kale.
Masuuliyiintan ayaa cashada ka dib halkaas isku dhaafsaday kaftan iyo sheeo siyaasadeed, iyagoo sidoo kale kulankooda ku soo qaaday qodobadii ka soo baxay shirkii golaha wadatashiga oo laga soo saaray jadwalka doorashooyinka dalka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com