Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Burcad sidii Dumarka usoo labistay oo gacanta lagu dhigay (Daawo Sawirada)

Ciidamada booliiska dalka Kenya  ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Nairobi kusoo qabtay labo nin oo burcad ah oo mid kamid ah xiligii la qabanayay uu xirnaa dharka ay dumarka caanka ku yihiin.

Burcadan ayaa ciidamada booliiska gacanta ku dhigeen xili ay isku diyaarinayeen in ay dhac geestaan, waxaana labadan nin iyaga oo baxsanaya lagu qabtay  xaafada Langata ee katirsan magaalada Nairobi.

Peter Omweno Momanyi, oo 24 sano jir ah ayaa xiliga ay ciidamada booliiska qabanayeen xirnaa dharka dumarka, waxaana ninkan lasocday saaxiibkiis oo lagu magacaabo John Muchiri Kimani, oo  isna 25 sano jir ah.

Qabashada burcadan ayaa kusoo aadaya xili magaalada Nairobi kusoo kordheen kooxaha burcada ee dadka dhaca iyo afduubka u geesta, waxa ayna ciidamada booliiska xoojiyeen howlgalada ka dhanka ah kooxaha burcada ah.

https://youtu.be/nu6ShvtSNRo

Related posts

Ciidanka Jubbaland oo fashiliyey Miinooyin loo dhigay (Sawirro)

Caydiid Ali

Duqa Muqdisho oo Shaqo joojin ku sameeyay Mid kamid ah Kuxigeenadiisa (Akhriso)

Cabdi Cade

Doorashada Lix kursi oo lagu waday in beri la doorto oo dib loo dhigay iyo Sababta keentay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---